Xaashiyaha Talooyinka U-doodista ee soo socda waxaa loola jeedaa inay kaa caawiyaan inaad u dhex marato nidaamka adeegga waxbarashada ilmahaaga, qofka aad jeceshahay, ama qofka kale ee naafada ah ee hoos yimaada daryeelkaaga. Fadlan balaadhi qayb kasta oo hoose si aad wax badan uga ogaato mawduuc kasta. Waxa kale oo aad soo dejisan kartaa PDF xaashi kasta oo tilmaan ah oo ku taal qaybta sare ee qayb kasta.
Ku arag boggan Ingiriisi: English Advocacy Tip Sheets
Ku arag boggan Isbaanishka: Guías de Consejos Sobre Defensa

Xaashida 1 - Aad ee Talooyinka U-Doodista

Halkan ka daawo PDF macluumaadkan: https://www.disabilityrightsohio.org/assets/documents/som_tip-sheet-1-how-do-i-get-special-education-for-my-child.pdf

XAASHIDA 1-AAD EE TALOOYINKA U-DOODISTA

SIDEEN WAXBARASHADA QAASKA AH UGU HELI KARAA ILMAHAYGA?

I. TALLAABADA KOOWAAD: QIIMEYN

Dugsigu waa inuu sameeyaa qiimeyn bilow ah (mararka qaarkood loo yaqaan qiimaynta
dhowr arimood (multi-factored evaluation, MFE)) si loo go'aamiyo u-qalmitaanka
barnaamijka waxbarashada la shakhsiyeeyay (individualized education program, IEP).

Talo: In kasta oo dugsigu leeyahay waajibaad sugan (child find) si uu u ogaado oo u
qiimeeyo carruurta, kula tali waalidka inuu codsiga qoraal ku soo qoro. Tani waxay
gacan ka geysaneysaa sameynta waqtiyo/jadwal.

Qiimaynta hore waa in la sameeyaa haddii dugsigu hayo sabab looga shakiyo in ilmuhu qabonaafonimo oo uu u baahan yahay waxbarasho qaas ah.

Talo: Ohio waxay ogolaataa jawaabo ku aadan habka faragelinta. Tani waxay u
ogolaanaysaa dugsigu inuu fasalka dhexdiisa ka hirgeliyo qabatimyo aan rasmi ahayn
ka hor inta aan la samayn qiimaynta bilowga ah. Kula tali waalidiinta inay fiiro dheer u
yeeshaan habkan aan dib u dhigi karin wakhtiyada qiimaynta rasmiga ah ee dheeriga
ah haddii uu waalidku codsado.

Dugsiga qasab ku ma aha inuu sameeyo qiimaynta bilowga ah haddii aanu ka shakin in
ilmuhu naafonimo qabo.

Talo: Dugsigu waa inuu siiyaa waalidka ogaysiis hordhac ah oo qoraal ah (PR-01) 30
maalmood gudahooda laga bilaabo xiliga codsiga waalidka ee ku aadan qiimaynta haddii
uu diido inuu qiimeeyo maadaama uusan ka shakisneyn naafonimo.

Talo: Ka codso dugsiga inuu sidoo kale go'aamiyo in ilmuhu u qalmo Qorshaha 504
kaas oo bixin kara adeegyada waxbarashada qaaska ah iyo qabatimyo/beddelaadyo.
Qiimaynta bilowga ah waa in lagu sameeyaa 60 maalmood gudahooda laga bilaabo xiliga
ogolaanshaha waalidka ee ku aadan qiimaynta.

II. TALLAABADA LABAAD: GO'AAMI U-QALMITAANKA

Kooxda qiimaynta ayaa la kulmayo waalidka si ay ugala hadlaan natiijada qiimaynta.
Natiijooyinka qiimaynta ayaa lagu ururinayaa dukumeenti la yidhaahdo warbixinta kooxda
qiimaynta (evaluation team report, ETR).

ETR waxay qeexaysaa awoodaha iyo baahiyada ilmaha waxayna noqotaa aasaaska go'aaminta kooxda in ilmuhu u qalmo waxbarashada qaaska ah marka la eego mid ka mid ah qaybaha uqalmitaanka iyo in kale (tusaale, naafonimo waxbarasho oo gaar ah (SLD), dhibaatooyinka kale ee maqalka (OHI), autism, iwm.).

Haddii la ogaado in ilmuhu aanu u qalmin, waalidku waxay raadsan karaan qiimayn waxbarasho oo madaxabanaan (independent educational evaluation, IEE) iyadoo kharashka ay bixinayso degmada dugsiga, ama waxay raadsan karaan xal.

Haddii ilmuhu u qalmo, tallaabada xigta waa sameynta IEP.

Xaashida 2 - Aad ee Talooyinka U-Doodista

Halkan ka daawo PDF macluumaadkan: https://www.disabilityrightsohio.org/assets/documents/som_tip-sheet-2-what-do-i-do-if-my-school-wont-follow-my-childs-iep-504-plan.pdf

XAASHIDA 2-AAD EE TALOOYINKA U-DOODISTA

MAXAAN SAMEEYAA HADDII DUGSIGAYGU RAACI WAAYO QORSHAHA
IEP/504 EE ILMAHAYGA?

I. TALLAABADA KOOWAAD: FAHAM WAXA QORSHAHA KU JIRA

Hel nuqulka qorshaha oo si taxadar leh u akhri. Dugsiga wuxuu mas'uul ka yahay kaliya
bixinta waxa qorshaha ku jira.

Talo: Ka shaqee inaad xaqiijiso in qorshuhu u qoran yahay si cad/waadax ah oo biyo kama dhibcaan ah. Tusaale ahaan, daaweynta/dabiibinta jireed waxaa lagu bixin karaa siyaabo kala duwan, oo ay ku jiraan mid-mid, goobaha kooxaha yaryar, gudaha fasalka, ama qolka dabiibinta. Xaqiiji in qorshuhu uu si fahfaahsan u sheegayo waxa la rabo in la bixiyo.

II. TALLAABADA LABAAD: LA HADAL QOFKA SAXDA AH

La xidhiidh macalinka/shaqaalaha masuulka ka ah qaybta qorshaha ee aan la raaci haynin oo kala hadal iyaga. Isku day inaad shaqaalaha ka mas'uulka ah kala shaqeyso xeelad lagu hirgelinayo qorshaha.

Talo: Ku dar qaab lagu cabbirayo in qorshaha la raacayo iyo in kale. Tani waxa ka mid
noqon kara warbixino joogto ah oo la siiyo waalidka oo ku saabsan horumarka ama
bixinta adeega, ama nidaamyada xog ururinta ee beegsiga ah.

III. TALLAABADA SADDEXAAD: CODSO KULAN

Marka arrimaha aan lagu xallin karin wadahadalo aan rasmi ahayn oo lala yeesho shaqaalaha dugsiga, codso kulanka kooxda IEP ama 504. Dhammaan shaqaalaha lagama maarmaanka u ah xallinta arrinta waa inay ka soo qaybgalaan kulanka.

Talo: Waxaad codsan kartaa kulan xitaa haddii aad horey u yeelatay kulanka IEP intii
lagu gudajiray sanadka. Inta kulankan lagu jira, waxaad adeegyo ku dari kartaa IEP
ama waxaad bedeli kartaa luuqad aan caddayn.

Haddii dugsigaagu ka jawaabi waayo codsigaaga kulanka ama uu diido inuu ku siiyo kulan,
waa inaad codsiga qoraal ku qortaa. Laba toddobaad ayaa guud ahaan ah wakhti macquul ah oo dugsigu kaga soo jawaabi karo warqadaada. Haddii kulan aan wali la bixin, waa inaad la xiriirtaa Waaxda Waxbarashada ee Ohio (Ohio Department of Education, ODE) oo aad codsataa in shaqaalaha ODE ay u soo wacaan dugsigaaga iyagoo ku matalayo si ay kaaga caawiyaan inaad kulan hesho.

Talo: La xidhiidh isku-duwaha waxbarashada qaaska ah ama agaasimaha degmadaada
si aad u codsato kulan. Xafiiska guddiga dugsigaaga ayaa kuu sheegi kara cidda isku
dubbarida waxbarashada qaaska ah ee degmada dugsigaaga.

Isbedelka lagu sameynayo qorshaha ee lagu heshiiyey waa in lagu qoraa qorshaha. Haddii
dugsigu ku qanci waayo beddelka aad codsatay, waa inaad taageero u raadsataa taladaada/codsigaaga.

Xaashida 3 - Aad ee Talooyinka U-Doodista

Halkan ka daawo PDF macluumaadkan: https://www.disabilityrightsohio.org/assets/documents/som_tip-sheet-3-what-can-i-do-if-my-child-needs-more-services.pdf

XAASHIDA 3-AAD EE TALOOYINKA U-DOODISTA

MAXAAN SAMAYN KARAA HADDII ILMAHAYGU U BAAHAN YAHAY ADEEGYO DHEERI AH?

I. TALLAABADA KOOWAAD: CODSO ADEEGGA

La xidhiidh iskuduwahaaga waxbarashada qaaska ah. Kala hadal isku duwaha waxbarashada qaaska ah ee dugsigaaga. Ka codso isku-duwaha inuu kaa caawiyo habka lagu go'aaminayo in adeeg lagama maarmaan u yahay ilmahaaga iyo in kale. Habka waxaa ku jiri doona go'aaminta in adeeggu uu lagama maarmaan u yahay imtixaan ama qiimeyn iyo in kale, in kulanka IEP looga hadlo baahida cunugaada u qaba adeegga, iyo in adeegga lagu qoro IEP.

Talo: Haddii isku-duwahaaga waxbarashada qaaska ah uu ka soo jawaabi waayo codsigaaga, dir warqad dabagal ah oo aad ku codsanaysa kulanka IEP/504 si looga hadlo adeegyada ilmahaaga.

II. TALLAABADA LABAAD: TAAGEER CODSIGAAGA

U sheeg in dugsigu qiimeeyo in adeeg gaar ahi lagama maarmaan yahay iyo in kale.
Degmada dugsigaaga waxaa looga baahan yahay inay go'aamiso baahida ilmahaaga u qaba adeegyada waxbarashada qaaska ah. Haddii dugsigaagu aanu hore ugu sameyn ilmahaaga qiimayn ku aadan adeega aad rabto, codso in ilmahaaga la qiimeeyo.

Go'aami in qiimayn faahfaahin dheeri ah leh ay lagama maarmaan tahay iyo in kale.
Waxa laga yaabaa in aad dhakhtarka ilmahaaga ama ilo kale ka heshid macluumaad
sheegayo in qiimaynta ilmahaagu ay u baahan tahay in lagu daro macluumaad uusan
caadiyan dugsigu qiimayn. Xaqiiji in kooxdu ay wax ka qabato qiimayn aad u faahfaahsan,
haddii loo baahdo.

Sii dugsiga macluumaad ka socda qiimeeyayaal madaxbannaan. Dugsigaagu waa inuu
tixgeliyo macluumaad kasta oo aad bixin karto kaasoo taageeraya codsigaaga ku aadan
adeegga. Tusaalooyinka macluumaadka noocaan ah waxaa ka mid noqon kara qiimeyn ka
timid daaweeyaha/dabiibiyaha hadalka ee gaarka ah taasi oo ku talinaysa in dabiibinta
hadalka lagu sameeyo dugsiga, ama warqad uu dhakhtar soo qoray oo farayso in
adeegyada dabiibinta jireed lagu bixiyo dugsiga.

Talo: Adeegyada dugsiga la xidhiidha waa in la bixiyaa kaliya haddii ay lagama
maarmaan u yihiin in ilmahaagu uu ka faa'iidaysto waxbarashadiisa oo uu helo FAPE.
Qiimeeyuhu waa inuu tani tixgeliyo marka uu soo jeedinayo talooyinka ku aadan
adeegyada lagu bixiyo goobta dugsiga.

Ka codso dabiibiyahaaga/qiimeeyaha gaarka ah inuu la xiriiro dugsigaaga. Ka codso
dabiibiyaha ama qiimeeyaha gaarka ah ee ilmahaaga inuu la xiriiro dugsigaaga si aad
ugala hadasho wixii tallooyin ah. Waxaa qancin weyn leh in qofka soo jeedinaya tallada uu
la hadlo dugsigaaga beddelkii uu hadal la’aan dugsigaaga u diri lahaa talooyinka
qiimaynta.

III. TALLAABADA SADDEXAAD: KULAN

Jadwalee kulan kooxeed si aad dib ugu eegtaan macluumaadka qiimeynta, u go'aamisaan
in adeegyo dheeri ah ay lagama maarmaan yihiin iyo in kale, oo aad waxa uga beddeshaan qorshaha qoran.

Xaashida 4 - Aad ee Talooyinka U-Doodista

Halkan ka daawo PDF macluumaadkan: https://www.disabilityrightsohio.org/assets/documents/som_tip-sheet-4-how-do-i-know-if-my-child-is-receiving-a-fape.pdf

XAASHIDA 4-AAD EE TALLOOYINKA U-DOODISTA

SIDEEN KU OGAAN KARAA IN ILMAHAYGU HELAYO FAPE IYO IN KALE?

I. TALLAABADA KOOWAAD: FAHAM HEERKA/MIQYAASKA FAPE

Waxbarashada guud ee habboon ee bilaashka ah (free appropriate public education, FAPE) macnaheedu waa waxbarasho: si gaar ah loogu talagalay ilmahaaga, looguna talagalay inay buuxiso baahiyada qaaska ah ee ilmahaaga, ilmaha marin u siisa manhajka guud, buuxisa miqyaasyada heerka fasalka ee Ohio, oo faa'iido waxbarasho siisa ilmahaaga.

Talo: FAPE macnaheedu maaha in ilmahaagu xaq u leeyahay waxbarashada suurtagal
ahaan ugu fiican ama waxbarasho inta ugu badan sare u qaadaysa kartida ilmahaaga.
Ilmahaagu wuxuu xaq u leeyahay waxbarasho si macquul ah loo xisaabiyay si loo siiyo faa'iido waxbarasho marka la eego awoodaha ilmahaaga.

II. TALLAABADA LABAAD: FAHAM IEP-GA ILMAHAAGA

Dugsigaaga waxaa looga baahan yahay inuu bixiyo waxa ku jira IEP-ga. Waa muhiim inaad xaqiijiso in IEP-ga si cad loo qoray si aad u fahanto waxa la bixinayo.

Talo: Qof dib u-eegis ha ku sameeyo IEP-ga ilmahaaga. Macallin/bare, u doodaha
waxbarashada qaaska ah, ama xirfadle waxbarasho ama mid caafimaad ayaa dib u eegi kara IEP-ga ilmahaaga oo ku siin kara jawaab celin ku saabsan sida uu IEP-gu u cad yahay. Waxa laga yaabaa inay ku siiyaan talooyin ku saabsan sida loo wanaajin karo IEP-ga.

III. TALLAABADA SADDEXAAD: DIB U EEG XOGTA KU SAABSAN HORUMARKA

Dugsigaagu waa inuu ururiyaa macluumaad iyo xog ku saabsan horumarka ilmahaaga marka la eego yoolalka IEP-ga iyo adeegyada la xidhiidha. Eeg IEP-ga si aad u xaqiijiso inuu diiwaangelinayo xog ururinta. Ka codso dugsiga inuu ku siiyo warbixinnada horumarka iyo xogaha kale. Dib u eeg xogta si aad u go'aamiso horumarka ilmahaaga.

Talo: Haddii dugsigaagu aanu hayn xog uu ku tusi kara, codso kulan IEP ah oo looga hadlayo horumarka. Dabagal ku samee xog la'aanta oo xaqiiji in IEP-ga uu si cad u diiwaangelinayo nooca xogta la ururin doono iyo qofka mas'uulka ka ah.

IV. TALLAABADA AFRAAD: CODSO KULAN IEP AH OO LOOGA HADLAYO
HORUMAR LA'AANTA

Haddii aysan jirin xog lagu sameyn karo dib u-eegis, ama haddii xogtu ay muujineyso horumar la'aan, codso kulan IEP ah. Marka kulanka lagu jira, waxaad ka hadli kartaa xog la'aanta, ama waxaad wax ka beddeli kartaa IEP-ga si aad wax uga qabato horumar la'aanta. IEP-ga ayaa wax laga beddeli karaa si loogu daro adeegyo dheeri ah, isbeddel ku aadan habka wax-baridda, ama ku-daridda shaqaale iyadoo lagu saleynayo baahiyada ilmahaaga.

Xaashida 5 - Aad ee Talooyinka U-Doodista

Halkan ka daawo PDF macluumaadkan: https://www.disabilityrightsohio.org/assets/documents/som_tip-sheet-5-what-can-i-do-if-my-child-is-suspended-or-expelled.pdf

XAASHIDA 5-AAD EE TALOOYINKA U-DOODISTA

MAXAAN SAMAYN KARAA HADDII ILMAHAYGA LA BAAJIYO AMA LA SOO ERYO?

I. TALLAABADA KOOWAAD: FAHAN SHARCIGALAW

Edbinta ardayda naafada ah waa mid adag. Waalidiintu waa inay fahmaan dhowr arimood oo guud oo ay la socdaan dugsiga si loo xaqiijiyo in arimahaas la raacayo.

Marka hore: Ardayda leh IEP-yada ayaa laga baajin karaa dugsiga ilaa 10 maalmood sannaddugsiyeedkii.

Talo: Ka dib marka ardayga la baajiyo 10 maalmood, nidaam qaas ah iyo ilaalino la taaban
karo ayaa la dabaqayaa. Baajinta cunug kujira IEP in ka badan 10 maalmood waxaa loo
arkaa "isbeddel meeleyn" oo waa in kooxda IEP ay go'aamiyaan haddii cayrin kale ay
habboon tahay.

Talo: Ardayda habdhaqankooda uu muujinayo naafonimadooda si joogto ah loogama
baajin karo dugsiga marka laga reebo haddii ay jiraan duruufo gaar ah (daroogo, hub iyo
dhaawac jireed oo halis ah).

Marka saddexaad: Ardayga kujira IEP oo “la cayriyey” waa inuu sii wadaa inuu helo
adeegyada IEP oo uu helaa manhajka guud. Helitaankani waxa uu ahaan karaa mid ka
duwan dugsigii caadiga ahaa.

Marka labaad: Habdhaqanka muujinayo naafonimada waxaa loola dhaqmaa si ka duwan
habdhaqanka aan muujinayn.

Talo: Ardayda la cayriyay waxay ku heli doonaan adeegyada meel kale. Goobta beddelka
ahi waa inay ku habboon tahay ardayga oo ay saamaxdaa in ardaygu uu sii wato ka
shaqaynta yoolalka IEP-ga.

II. TALLAABADA LABAAD: XAQIIJI IN DUGSIGU RAACAYO HABRAACYADA

Codso nuqullada dhammaan diiwaanada la xidhiidha baajinta ama cayrinta. Kuwani waxa ku jiri doona warbixinada dhacdooyinka habdhaqanka iyo ogeysiisyada baajinta ama cayrinta.

Codso kulan IEP ah si aad uga hadasho habdhaqanka. Haddii IEP-gu aanu bixinin
taageerooyinka habdhaqanka, wax ka beddel IEP-ga si loogu daro adeegyadaas.
Ka codso dugsiga inuu bixiyo taageerooyinka habdhaqanka. Xaqiiji in dugsigu sameeyo
qiimaynta habdhaqanka shaqaynaya (functional behavior assessment, FBA) oo uu bixiyo
qorshaha faragelinta habdhaqanka (behavior intervention plan, BIP).

Codso xog iyo warbixinno joogto ah oo ku saabsan habdhaqanka. Si qaas ah ula soco
habdhaqanka ilmahaaga marka uu dugsiga jooga iyo awooda dugsigu u leeyahay in uu ka
jawaabo habdhaqankaas. Haddii dhibaatooyinku sii socdaan, codso kulan kaloo IEP ah.

Xaashida 6 - Aad ee Talooyinka U-Doodista

Halkan ka daawo PDF macluumaadkan: https://www.disabilityrightsohio.org/assets/documents/som_tip-sheet-6-what-can-i-do-if-my-child-is-being-restrained-or-secluded.pdf

XAASHIDA 6-AAD EE TALOOYINKA U-DOODISTA

MAXAAN SAMEYN KARAA HADDII ILMAHAYGA LA XANNIBO AMA LA GOONIYEEYO?

I. TALLAABADA KOOWAAD: DIB U-EEGIS KU SAMEE SIYAASADDA IYO DIIWAANADA

Hel nuqulka siyaasadda dugsigaaga ee ku saabsan xannibaada iyo gooniyeynta. Sharciga
Ohio wuxuu u baahan yahay in degmooyinka dugsiyadu yeeshaan siyaasad. Hel nuqulka
IEP-ga ilmahaaga si aad u aragto in IEP-ga uu u ogolanayo isticmaalka gooniyeynta ama
xannibaada iyo in kale. Go'aami in dugsigu raacayo siyaasadda iyo IEP-ga iyo in kale.

Talo: Maaha fikrad wanaagsan in isticmaalka gooniyeynta ama xannibaada lagu
ogolaado IEP-ga. Taa beddelkeeda, IEP-ga waa in ay ku jiraan farsamooyinka
wanaagsan ee wax ka beddelka habdhaqanka. Haddii IEP-gu ogolaado isticmaalka
gooniyeynta iyo xannibaada, codso kulanka IEP si meesha looga saaro. Ka codso
dugsiga in taa beddelkeeda uu ku daro farsamooyinka wanaagsan ee beddelka
habdhaqanka.

II. TALLAABADA LABAAD: GO'AAMI IN DUGSIGAAGU RAACAYO SIYAASADDA IYO IN KALE

Sharciga Ohio wuxuu u baahan yahay in dugsiyadu ay lahaadaan siyaasado ku
saabsan xannibaada iyo gooniyeynta. Ugu yaraan, siyaasaddu waxay u baahan tahay:

In dadaal kasta lagu bixiyo kahortagga isticmaalka xannibaada iyo gooniyeynta; 

Seexinta dhulka (iyadoo wejigu uu hoos jira) marnaba lama isticmaali karo;

Dugsiyadu waa inay adeegsadaan faragelinada habdhaqanka wanaagsan iyo
taageero;

Xannibaadda iyo gooniyeynta maaha inay dhacaan marka laga reebo marka ay jirto
khatar degdeg ah oo waxyeello u geysan karta badbaadada jirka;

Mar kasta oo la isticmaalo xannibaada ama gooniyeynta waa in la diiwaangeliyaa oo
laga warbixiyaa.

Talo: Siyaasaddu waa inay u hoggaansantaa xeerka Ohio ee gooniyeynta iyo
xannibaada. Eeg, Ohio Admin. Xeerka 3301-35-15, Miqyaasyada hirgelinta
taageerooyinka faragelinta habdhaqanka suuban iyo isticmaalka xannibaada iyo
gooniyeynta.

Xaashida 7 - Aad ee Talooyinka U-Doodista

Halkan ka daawo PDF macluumaadkan: https://www.disabilityrightsohio.org/assets/documents/som_tip-sheet-7-does-my-child-have-to-graduate-when-he-turns-18.pdf

 

I. TALLAABADA KOOWAAD: AQOON U LAHOW SHARCIGA

Ardayda kujira IEP-yada Ohio waxay heli karaan adeegyo ilaa ay ka gaaraan 22 jir.
Waqtiga qalin-jabinta wuxuu ku xiran yahay baahida shakhsiyeed ee ilmaha. Xitaa haddii
ardaygu haysto dhammaan buundooyinka looga baahan yahay si uu u qalin-jabiyo, wuxuu
sii wadi karaa inuu helo adeegyada haddii loogu baahdo FAPE.

Laba sababood oo waaweyn oo loo kordhiyo waqtiga qalin-jabinta ayaa ah bixinta
adeegyada kala-wareega, iyo helitaanka xirfadaha bulshada iyo is-daryeelka.

Talo: Marka ardaygu gaaro 22 sano jir inta lagu jiro sanad dugsiyeedka, go'aanka lagu ogolaanayo in ardaygu dhammeeyo sanadka waa go'aan ay gaareen guddiga dugsigu. Eeg nidaamka/siyaasadda guddiga dugsigaaga si aad u ogaato in ilmahaagu haysto ikhtiyaar uu ku dhammeyn karo sannad-dugsiyeedka uu gaarayo 22 sano jir.

II. TALLAABADA LABAAD: DIB U-EEG IEP

IEP waxa ku jira macluumaad la xidhiidha qalin-jabinta. Dib u-eeg IEP si aad u go'aamiso:

Dugsigu ma bixiyay qorshaynta kala-wareega iyo adeegyada oo haboon? Haddii
aysan taasi dhicin, tani ayaa waxay noqon kartaa sabab dib loogu dhigo qalin-jabinta.

Ilmahaagu ma urursaday dhammaan buundooyinka loo baahan yahay si uu u qalinjabiyo? Haddii ay haa tahay, kala hadal kooxda IEP haddii ilmahaagu u baahan yahay
inuu sii joogo dugsiga si uu u helo adeegyo kale oo loogu diyaarinayo nolosha ama
shaqada dugsiga sare ka dib, sida xirfadaha bulshada iyo is-daryeelka.

Miyuu ilmahaagu buuxiyey shuruudaha imtixaanka ee qalin-jabinta? Mararka
qaarkood, ardayda naafada ah ayaa laga dhaafaa ganaaxyada ku guuldareysiga ka
gudubka shuruudaha imtixaannada gobolka. Waa inaad go'aamisaa in ka-dhaafitaanku
ku habboon yahay ilmahaaga iyo in kale oo waa inaad xaqiijisaa in IEP-ga uu si sax ah
uga tarjumayo booskaaga.

III. TALLAABADA SADDEXAAD: GO'AAMI BAAHIY

Go'aanka dib u dhigista qalin-jabinta waa go'aan shakhsiyeed. Waxaa fiican in ardayga laga qaybgaliyo go'aankan. Codso kulan IEP ah si aad uga hadasho arrintan. Xusuusnow in go'aankani la bedeli karo iyadoo ku xiran baahiyada shakhsiyeed ee ardayga marka waqti laga soo wareego. Sidoo kale xusuusnow in arday badan ay rabaan inay la qalin jabiyaan asaagooda. Qorshaynta kala-wareeg wanaagsan ayaa gacan ka geysan doonta in qalin-jabinta laga dhigo hab fudud.

Talo: Qaar ka mid ah guddiyada dugsiyada waxay ogolaadaan qalin-jabinta bulshada.
Qalinjabinta bulshada waxay u ogolaataa ardayda ku jira IEP-yada inay ka qaybqaataan xaflada qalin-jabinta ee ardayda asaagooda ah. Ardayga naafada ah ma aqbalo shahaadada diploma. Taa beddelkeeda, wuxuu dib u dhigayaa shahaadada diploma si uu u helo adeegyo dheeraad ah oo hoos yimaada IEP.

Xaashida 8 - Aad ee Talooyinka U-Doodista

Halkan ka daawo PDF macluumaadkan: https://www.disabilityrightsohio.org/assets/documents/som_tip-sheet-8-what-if-an-iep-meeting-does-not-resolve-my-concerns.pdf

XAASHIDA 8-AAD EE TALOOYINKA U-DOODISTA

KA WARAN HADDII KULANKA IEP-GA UU XALIN WAAYO WALAACYADA?

Sharciga waxbarashada qaaska ah wuxuu bixiyaa nidaam wax-ka-qabasho oo xoogan oo
loogu talagalay waalidiinta. Kuwani ayaa ah wax-ka-qabashooyinka la heli karo laga bilaabo
heerka ugu hooseeya ilaa heerka ugu sarreeya.

I. FUDUDAYN

Fududeynta waxay ka dhacdaa kulan kooxeed sida kulanka kooxda barnaamijka
waxbarashada la shakhsiyeeyay (individualized education program, IEP), kulanka
qorshaynta qiimaynta ama kulanka kooxda qiimaynta. Fududeeyaha waa qof kaloo
dhexdhexaad ah oo aan xubin ka ahayn kooxda oo aan wax go'aan ah u qaadan kooxda.
Lahaanshaha fududeeye waxay kooxda ka caawisaa in ay noqdaan kuwo wax soo saar leh
iyo in ay diirada saaraan ardayga. Fududeeyayaashu waa dhexdhexaadiyayaal xirfad leh
kuwaas oo loo tababaray hababka waxbarashada qaaska ah.

II. DHEXDHEXAADIN

Dhexdhexaadintu waa hab ikhtiyaari ah oo lagu xallinayo khilaafaadka labada dhinac. Si
dhexdhexaadintu u dhacdo, labada dhinacba waa inay ku heshiiyaan in la dhexdhexaadiyo.
Habka dhexdhexaadinta waxa fududeeya qof tababaran oo aan eexasho lahayn,
dhexdhexaadiye, kaas oo ka caawiya dhinacyada inay midba midka kale uga warramaan
waxa ay tabanayaan si loo gaaro xal la wada aqbali karo.


III. CABASHADA GOBOLKA

ODE waxa ay dejisay habab loogu talagalay baaritaanka cabashada oo wax ku ool ah, taas
oo u oggolaanaysa in arrimaha lagu xalliyo wakhtiga ku habboon. ODE waxay dib u eegtaa
eedaymaha qoran iyo kuwa la saxiixay ee khuseeya ku xad-gudubka sharciga waxbarashada qaaska ah ee gobolka ama federaalka. Cabashada gobolka waxaa laga gudbin karaa arrimaha waqtigii ay dhacaan laga jooga wax aan ka badnayn hal sano.

IV. NIDAAMKA CADAALADA

Waalidiinta, degmooyinka dugsiga ama wakaaladaha kale (tusaale, guddiyada naafonimada
koriinka ee degmada, Waaxda Adeegyada Dhallinyarada) ayaa waxay codsan karaan
dhageysi cadaalad ah oo dhexdhexaad ah si loo xalliyo khilaafaadyada ku saabsan
aqoonsiga, qiimeynta iyo meelaynta ardayga ama bixinta waxbarashada guud ee habboon
ee bilaashka ah (FAPE). Dhageysiga waxaa qabta sarkaalka dhageysiga ee eexashada
lahayn kaas oo ay magacawday ODE. Dhageysiga nidaamka cadaalada ayaa loo codsan
karaa arrimaha waqtigii ay dhacaan laga jooga wax aan ka badnayn laba sano.

V. MAXKAMADDA GOBOLKA AMA FEDERAALKA

Dhinac kasta ayaa rafcaan ka qaadan kara go'aanka nidaamka cadaalada oo u gudbin karo
maxkamadda gobolka ama federaalka. Ciddu waa inay si buuxda uga dhammaataa
nidaamka cadaalada. Nidaamka Ohio waxaa uu leeyahay laba heer. Dhageysi uu sameynayo sarkaal dhageysi oo dhexdhexaad ah (impartial hearing officer, IHO), iyo
racfaanka go'aankaas oo uu dhageysanayo sarkaalka dib u eegista ee heerka gobol (state
level review officer, SLRO). Cabashada waa in lagu xereeyaa 90 maalmood gudahooda
marka loo gudbinayo maxkamada federaalka, iyo 45 maalmood gudahooda marka loo loo
gudbinayo maxkamada gobolka.

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.