section decoration triangle

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

Bukaan ikhtiyaari ah waxaa loola jeedaa inaad adiga iska diwaangelisay isbitaalka dhimirka ama mas’uulkaaga aad xilsaaratay kaa diiwaangeliyay isbitaalka dhimirka.

Bukaan ikhtiyaari ah ahaan, waxaad xaq u yeelanaysaa inaad codsato ka bixitaankaaga isbitaalka.

  • Isbitaalka waa inuu kuu sheegaa xuquuqda aad u leedahay inaad weydiisato in lagaa bixiyo isbitaalka.
  • Si aad u weydiisato ka bixitaanka isbitaalka, waa inaad qortaa warqad ogeysiin.
  • Haddii aad weydiisato, isbitaalka waa inuu kaa caawiyaa qorista warqada.
Maxaan Ku qoraa Warqad Ogeysiin?
  • Warqadaadu waxay noqon kartaa mid gaaban.
  • U dir warqadaada Agaasimaha Caafimaadka ee isbitaalka, oo sheeg in aad rabto inaad baxdo.
  • Shaqaalaha isbitaalka, oo oggolaansho ka helaya Guddiga Caafimaadka Dhimirka ee degaankaaga, ayaa go’aan ka gaari doonaan inaad baxdo ama in kale ama aad weydiisanaysid maxkamadda amar aad ugu jiraysid isbitaalka. 

Ka dib markaad gudbiso waraaqdaada ogeysiinta, isbitaalku wuxuu haystaa saddex (3) maalmaha shaqada ah (isniinta ilaa jimcaha, ma aha sabtida iyo axada iyo maalmaha fasaxa) uu kuugu sheego inaad bixi karto iyo in kale. Waa muhiim inaad ogaato, xitaa haddii aad iskaa u soo gashay, shaqaalaha isbitaalka way ku reebi karaan haddii ay u maleynayaan inay tahay inaad joogto iyagoo fayl garaynaya waraaqo si ay xooga kuu saaran.

Mid ka mid ah saddexdan arrimood ayaa dhici kara marka aad saxiixdo warqada ogeysiinta:

Isbitaalku Wuu Oggolaanayaa

  • Codsigaaga waa la ansixinayaa.
  • Waxaad ka baxaysaa isbitaalka.

Isbitaalka Wuxuu Rabaa Inaad Joogtida

  • Shaqaalaha isbitaalka waa inay fayl geliyaan warqadaha (oo loo yaqaan warqada dhaarta (affidavit)) saddex (3) maalmood gudahooda marka la helo warqadaada.
  • Warqadaadu waxay noqoneysaa codsi dacwad dhageysi.

Bixinta Degdeg ah

  • Shaqaalaha isbitaalka kuma qoraan warqadda dhaarta saddex (3) maalmaha shaqada gudahooda.
  • Waxaa laguu oggolyahay inaad baxdo isla markiiba.

 

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.