section decoration triangle

Maxaa Dhacaya Markaad u Gudbiso Eedeyn Takoorid OCRC ama EEOC?

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

See this in English

Haddii aad dareentid in loo-shaqeeyuhu ku takooray iyadoo sabab u tahay naafonimadaada, waxaa jira laba hay’adood oo aad la xiriiri karto si aad u gudbiso cabasho. Cabashooyinka labada hay’adood waxaa lagu magacaabaa eedeyn. Uma baahnid inaad dacwad u gudbiso labada hay’adood maxaa yeelay way wada shaqeeyaan. Si kastaba ha noqotee, waxay qabaan kamadambeys kala duwan oo lagu gudbiyo Markaad fayl u gudbinayso hay’adaha midkood, loo-shaqeeyahaagu wuxuu heli doonaa nuqul ka mid ah eedeynta waxaana la weydiin doonaa jawaabtooda..

Guddiga Xuquuqda Madaniga ee Ohio (OCRC)

Telefoonka: 888-278-7101
Shabakada: crc.ohio.gov
Wakhtiga gudbinta: 180 maalmood gudahood

Guddiga Fursadaha Shaqooyinka Loo Simanyahay (EEOC)

Telefoonka: 800-669-4000
Shabakada: eeoc.gov
Wakhtiga gudbinta: 300 maalmood gudahood

Geedi-socodka Baarista

Ka dib markaad gudbiso eedeynta, adiga iyo loo-shaqeeyahaaga ayaa la idin weydiin doonaa haddii aad oggoshihiin dhexdhexaadin (eeg dhigaalada DRO, “Hagidda Cabashada Shaqo: Waa maxay ikhtiyaarka dhexdhexaadinta markaan cabasho u gudbiyo OCRC ama EEOC?). Haddii adiga iyo loo-shaqeeyahaaga aadan ku heshiin dhexdhexaadin, eedeynta waxaa loo xilsaari doonaa baare. Baaraha waa qof dhexdhexaad ah mana la jirsan doono dhinac. Shaqada baaruhu waa inuu ogaado haddii ay jirto caddayn ku filan oo lagu taageerayo eedeynta takooridda shaqada. Waa inaad bixisaa caddaynta ugu badan ee suurtogalka ah si aad u taageerto eedeyntaada oo aad uga jawaabto bayaanka mawqifka loo-shaqeeyaha. Wixii tusaalooyinka noocyada caddaynta ee la gudbiyo, ka eeg dhigaalada DRO, “Hagidda Cabashada Shaqo: Waa noocee Caddaynta Ay Tahay Inaan Ku Daro Eedeyntayda?”

Bayaanka Mawqifka Loo-Shaqeeyaha

Baaruhu wuxuu ka heli doonaa bayaan ka socda loo-shaqeeyahaaga oo ka jawaabaya eedaada. Tani waxaa loo yaqaan bayaanka mawqifka. Baaruhu wuu kula soo xiriiri doonaa si uu uga hadlo. Gudaha baaritaanka EEOC, waxaa laguu oggol yahay inaad codsato nuqulka bayaanka mawqifka iyo lifaaqyada kale aan qarsoodiga ahayn. Gudaha baaritaanka OCRC, waxaad codsan kartaa inaad aragto bayaanka mawqifka laakiin ma awoodi doontid inaad aragto wixii lifaaq ah.

Waxaad soo gudbin kartaa caddayn jawaab u ah bayaanka mawqifka. Tusaale ahaan, haddii loo-shaqeeyahaagu sheeganayo inuusan ogeyn inaad lahayd naadonimo, waxaad u sheegi kartaa baaraha sida loo-shaqeeyaha uga warqabay naafonimadaada. Wixii tusaalooyinka noocyada caddaynta ee la gudbiyo, ka eeg dhigaalada DRO, “Hagidda Cabashada Shaqo: Waa noocee Caddaynta Ay Tahay Inaan Ku Daro Eedeyntayda?”

Waxaa muhiim ah in aad samir muujiso inta lagu jiro geedi-socodka baaritaanka. OCRC waxay isku dayeysaa in ay dhameeyaan baaritaankooda ayna soo saaraan go’aan sanad gudahiisa laga bilaabo markaad gudbiso eedeyn. Iyadoo ku xiran sida geedi-socodka baaritaanka u socdo, EEOC waxay qaadan kartaa wakhti kasta oo hal illaa saddex sano ah si go’aan loo soo saaro.

Go’aanka Hay’adda iyo Waxa Marka Xigta dhacayo

Haddii OCRC ama EEOC ay ogaadaan in ay jirto sabab macquul ah oo loo-shaqeeyahaagu kuu takoortay adiga, Haddii OCRC ama EEOC ay ogaadaan in ay jirto sabab macquul ah oo loo-shaqeeyahaagu kuu takoortay adiga, loo-shaqeeyahaaga waxaa la siin doonaa fursad uu isugu dayo inuu xalliyo eedeynta. Hay’addu waxay sharixi kartaa waxa ay u maleynayaan in loo-shaqeeyahaagu ay tahay inuu sameeyo (sidoo kale loo yaqaan “maslaxo”) ama waxay soojeedin doonaan dhexdhexaadin.

Gudaha geedi-socodka OCRC, loo-shaqeeyahaaga wuxuu weydiin karaa Guddiga inay dib u eegaan eedeynta. Waxaad awoodi doontaa inaad maragfur ka bixiso shirka Guddiga OCRC si aad ugu sheegto sababta aad ugu malayso in loo shaqeeyuhu adiga kuu takoortay. Waxaad kala hadli doontaa Guddiga qiyaastii shan daqiiqo wax ku saabsan eedeyntaada. Loo-shaqeeyahaagu wuxuu sidoo kale heli doonaa wakhti la mid ah oo uu ku hadlo. Komishanka ayaa markaa kadib ayaa go’aamin doona haddii ay helaan sababta macquulka ah ee takoorka.

Haddii Guddigu wali ogaado sababta macquulka ah ee takoorka, waxaa jiri doona dacwad dhageysi rasmi ah taasoo OCRC uu matalayo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Ohio. Haddii ay jirto dacwad dhageysi, waxaa laga yaabaa in lagu siiyo fursad aad ku sheegto sheekadaada.
Gudaha geedi-socodka EEOC, haddii Guddiga ogaado sababta macquulka ah ee takoorka, waxay u sii wgudbin karaan arrinta loo-ka dhanka ah loo-shaqeeyahaaga qareenka federaalka.

Labada xaaladoodba, hay’addu way sii wadi doontaa wargelintaada inta lagu jiro geedi-socodka.

Haddii OCRC ama EEOC aysan helin sabab macquul ah oo loo-shaqeeyahaagu kuu takoortay, Haddii OCRC ama EEOC aysan helin sabab macquul ah oo loo-shaqeeyahaagu kuu takoortay, waxaa xaq u leedahay inaad ka codsato Guddiga inay dib u eegis ku sameeyaan eedeyntaada. Waxaad awoodi doontaa inaad maragfur siiso shirka Guddiga OCRC si aad ugu sheegto sababta aad ugu malayso in loo shaqeeyuhu adiga kuu takoortay, sida kor lagu sharraxay. Haddii aysan waafaqsaneyn inay jirtay takoorid, eedaada waa la diidi doonaa.

Waxaad weydiisan kartaa EEOC inay dib u eegis ku sameeyso go’aanka OCRC. Haddii aad rabto dib u eegista EEOC, waa inaad codsataa sida ugu dhakhsaha badan. Go’aamada OCRC waxay leeyihiin kamadambeys go’an oo aan la kordhin karin.

Haddii EEOC aysan helin sabab macquul ah oo loo-shaqeeyahaagu kuu takoortay, waxaa lagu siin doonaa Ogeysiisnta Xuquuqda Dacweynta (badanaa loo yaqaan “warqada xuquuqda dacweynta”). Warqadani waxay kuu ogolaaneysaa in aad gudbiso dacwad maxkamad. EEOC waxay markan diidi doontaa eedeyntaada, xitaa haddii aad wediisan kartid EEOC inay dib u eegis ku sameeyso.

U gudbinta Maxkamadda

Sida ku cad Cinwaanka I ee ADA, waa inaad ka haysataa Ogeysiiska Xuquuqda Dacweynta guddiga EEOC si aad u gudbiso dacwad maxkamadda federaalka ah. Waa inaad dacwad gudbisaa 90 maalmood gudahood ka dib markaad hesho warqadda, sidaas awgeed hubso inaad qorato taariikhda aad heshay.

Sida ku cad sharciga Ohio, waxaad haysataa ugu yaraan hal sano aad ugu gudbiso maxkamadda gobolka dacwad ka dib markii uu takoorku dhacay, inkasta laga yaabaa in waqtigu intaas ka dheeraado, iyadoo ku xiran xaqiiqda kiiskaaga.
Waa inaad la tashataa qareen haddii aad rabto inaad gudbiso dacwad ama aad qabtid su’aalo ku saabsan geedi-socodka. Si aad u hesho qareen, la xiriir mid ka mid ah ururadan:

Ohio Employment Lawyers Association

Shabakada:  oelasmart.net

Ohio State Bar Association

Telefoonka: 614-487-2050
Shabakada: ohiobar.org

Disability Rights Ohio waxay kaloo kaa caawin kartaa haddii aad u malayso in qof ku takooray iyadoo sabab u tahay naafanimadaada aadna rabto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqdaada shaqada. Wac 800-292-9181, oo dooro ikhtiyaarka 2 ee waaxda qaadashada. Waxaad sidoo kale ka buuxin kartaa foomka qaadashada onlaynka ah disabilityrightsohio.org/intake-form.

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.